Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sugan magaalada Cammaan ee dalka Urdun, ka dib kulamo uu Israel kula yeeshay madaxda dalkaasi oo ay kaga wada hadleen dagaalka ka socda Gaza.
Sacuudi Carabiya ayaa hakisay wada-hadallada ku saabsan in ay caadiyeyso xiriirka Israa’iil, ilo-wareed ayaa Sabtida maanta ah u sheegay wakaaladda wararka AFP, xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.
Ciidamada Turkiga ayaa weerar ay ku qaadeen fariisimo ay leeyihiin maleyshiyaadka Kurdiyiinta ee gudaha Suuriya habeenkii xalay ku dilay ugu yaraan 14 ka tirsan maleeshiyada Kurdiyiinta ee waqooyiga Suuriya, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Turkey
Magaalada Muqdisho, dhallinyaro si iskood ah isku abaabulay ayaa ka bilaabay kacdoon bulsho oo ay ku doonayaan in ay ku garab istaagaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee muddooyinkan dagaalka kula jiray kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Jimcihii sheegay in ergayga Faransiiska ee Niger uu sidii la hayste oo kale ugu nool yahay safaaradda Faransiiska ee dalkaasi, waxaana uu ku eedeeyay taliska militariga ee talada qabsaday in ay xannibeen raashinkii safaaradda la geyn lahaa.
In ka badan 600 (lix boqol) oo qof ayaa ku dhintay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dalka Morocco iyadoo boqolaal kalena ay dhaawacmeen. Dhul-gariirka ayaa burburiyay dhismayaal, waxaana dadka ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ay guryahoodii uga bexeen cabsi ay ka qabaan dhul-gariirka
Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa Axadda maanta ah ku burburtay jasiirad ku taal waqooyiga Australia, halkaasi oo ay ku dhinteen saddex ka mid ah ciidamada badda, 20 kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa farriin ay faafisay dowladda ku sheegay in Madaxweyne Xassan uu si KMG ah shaqqooyinkiisa caadigan ah ka wadi doono Dhuusamareeb.
Midowga Afrika ayaa muddo 15 cisha ah u qabtay militariga la wareegay talada Niger in ay dib xukunka ugu celiyaan dowladdii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee dalkaasi.
Dameer duurjoog ah oo ka mid ah kuwa naadir ah ka ah dunida, oo asal ahaan intooda badan ku noolaa deegaannada Soomaalida ayaa ku ilma dhashay beerta xayawaanka ee dalka Chile, taasi oo rajo ku abuurtay in noolahan sida weyn usii dabar go’aya ay kordhaan
Gantaalo uu Ruushku Sabtida maanta ah ku garaacay magaalada Lyman ee bariga Ukraine ayaa waxaa ku dhintay siddeed qof, iyadoo 13 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ruushka ayaa rasaas ku furay galinkii dambe ee Sabtida maanta ah kolonyo calooshood u shaqeystayaal ah oo ku sii siqayay Moscow markii ay xalay qabsadeen magaalo ku taal koonfurta. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wacad ku maray in uu burburin doono gadoodka hubaysan
Ciraaq ayaa Axadda maanta ah soo bandhigtay dhagax ay qoraallo taariikhi ah oo jiray 2,800 oo sano kaasi oo uu Talyaanigu dib ugu soo celiyey gacanta Ciraaq, iyadoo dalkan ay dagaalladu halakeeyeen uu ka shaqaynayo sidii uu dib ugu soo ceshan lahaa waxyaabaha qadiimiga ah ee laga bililiqaystay.
Mintidiin xiriir la leh kooxda Daacish ayaa 37 arday oo u dhashay Uganda ku gubay galbeedka dalkaasi, waana weerarkii ugu xumaa ee muddo ka badan toban sano ka dhacay Uganda, sida ay Sabtida maanta ah sheegeen saraakiisha militariga iyo kuwa booliiska ee dalkaasi.
Muwaadiniinta Turkida ah ee qurba-joogta ah ayaa Sabtida maanta ah bilaabay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada kala reebtada ah ee madaxtinimada Turkiga taasi oo ay ku herdamayaan Madaxweyne Reccep Tayyib Erdogan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu
Wadahadallo lagu doonayo in looga fogaado lacag la’aan baahsan oo uu wajaho Mareykanka ayaa Sabtida maanta ah ka soconaya Mareykanka, iyadoo Madaxweyne Joe Biden uu ka digay in uusan aqbali doonin dalabaadka “xagjirka” ah ee ka imanaya Jamhuuriyiinta, laakin uu wali ka rajjo qabo in la is fahmo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa sheegay in Kenya iyo Soomaaliya ay isku raaceen in ay dib ay u furan xuduudda ay wadaagaan ka dib muddo toban sano ka badan oo ay xirneyd, waxaana ay imaneysaa xilli xiriirka labada dal uu soo hagaagayo ka dib sanado ay xiisadi ka dhex jirtay.
Dalka Ingiriiska waxaa Sabtida maanta ah ka socota munaasabadda lagu boqrayo Boqorka Charles III iyo xaaskiisa, Queen Consort Camilla. Waa caleemasaarkii boqortooyo ee u horreeyey ee lagu qabto Britain muddo 70 sano ah.
Iyadoo ay ku dhowdahay bil tan iyo markii uu dagaalku ka dhex qarxay ciidamada Sudan, ayaa waxaa fashilmay dadaallo ay beesha caalamku taageereysay oo lagu doonayay in dalka laga dhaqangeliyo xabbad joojin ka dib markii ay dhinacyada dagaallamaya jebiyeen ilaa saddex xabbad joojin.
Kuwo kale