Dhawaaqa duqeymaha cirka, hubka lidka diyaaradaha iyo madaafiicda ayaa Sabtida maanta ah laga maqlayay gudaha Khartoum, iyadoo qaac madow uu ka kacay qeybo ka mid ah caasimadda Suudaan xilli uu dagaalka dalkaasi ka qarxay galay toddobaadkii saddexaad.
Barnaamijka Wicitaanka toddobaadkan waxa uu ku saabsan doorka Qurba-joogta ee dhaqaalaha Soomaaliya. Waxaa soo diyaariyay, soona jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.
Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ka digay in haddii aan la helin balaayiin doollar oo lagu quudiyo malaayiin qof oo baahan ay dunidu 12-ka ilaa 18-ka bilood ee soo socda arki doonto tahriib xad-dhaaf ah, xasillooni-darro ka dhacda dalalka, iyo caruur iyo waayeel gaajoonaya.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa farriin uu qoray ku sheegay in uu filayo in la xiri doono Talaadada soo socota, xilli dacwad oogaha New York uu isha ku hayo eedeymo ku saabsan kiis lagu baarayo lacag la siiyay haweeney madaxweynihii hore ku eedeysay in uu la seexday.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Sabtidii sheegay in dalalka Afrika loo diiday deyn cafinta ay u baahnaayeen, waxaana uu xusay in dhaqaale la’aan darteed ay qaaradda Afrika wajahayso xaalad aad u adag.
Israa’iil ayaa Sabtida maanta ah cambaareysay “sida ba’an” ee ergaygeeda looga saaray shir madaxeedka Midowga Afrika, iyadoo ku eedeysay dowladda cadawga weyn ay yihiin ee Iran in ay soo abaabushay tallaabadaas iyadoo gacan ka heleysa dalalka Aljeeriya iyo Koonfur Afrika.
Kooxaha u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa dowladda Koonfurta Sudan ugu baaqay in ay sii daayaan lix wariye oo la xiray ka dib markii la baahiyay muuqaal la sheegay in uu muujinayay madaxweyne Salva Kiir oo isku kaadinaya.
Morocco ayaa noqotay dalkii u horreeyey ee Afrikaan ah ee gaara wareegga afar dhammaadka (semi-final ee Koobka Adduunka ka dib markii Youssef En-Nesyri uu qeybtii hore ee ciyaarta gool ka dhaliyay xulka Portugal ciyaar Sabtida maanta ah ka dhacday garoonka Al Thumama Stadium.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyadoo safarkan uu qeyb ka yahay dardar-gelinta “howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab," sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Tixanahan ayaa qeybtiisan waxa aan kaga hadli doonaa Soomaalida u tartameysa heerarka kala duwan ee aqallada sharci-dejinta ee dhowr gobol oo ka tirsan Mareykanka. Tiradii u badneyd ee Soomaali-Mareykan ah ayaa sanadkan u tartamaya kana qeybgalaya doorashada.
Dowladda cusub ee Sweden ayaa iska fogeyn doonta maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee YPG, iyadoo isku dayeysa in ay ku guuleysato in Turkigu uu u oggolaado in ay ku biirto isbahaysiga NATO, sida uu Sabtida maanta ah sheegay wasiirka arrimaha dibadda Sweden.
Xukuumadda Qatar ayaa kumanaan shaqaale shisheeye ah ka saartay guryo ay degenaayeen oo ku yaalla bartamaha caasimadda dalkaasi ee Dooxa, halkaasi oo taageerayaasha kubadda cagta ee dalkaasi tagi doona ay joogi doonaan inta uu socdo Koobka Aduunka.
Qari Yuusuf Axmadi oo ah afhayeenka u hadlay Taliban ayaa sheegay in xubnaha Daacish ee lagu dilay weerarka lagu qaaday goob ay ku dhuumanayeen ay ku lug lahaayeen laba weerar oo culus oo toddobaadyadii tagay ka dhacay dalkaasi.
Dowladda Gambia ayaa Jimcihii sheegtay in 70 caruur ah ay u dhinteen dhaawac daran oo kelyaha ah, kaasi oo loo maleynayo in uu ka dhashay sharoobada qufaca ee dalka India lagu farsameeyay.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa lagu eedeeyay weerarka lagu qaaday saldhiga Garabtiisan ee waqooyiga dalka yar ee ku yaalla Geeska Afrika in ay ka danbeeysay kooxda hubeysan ee FRUD, oo ay wasaaraddu ku tilmaantay “koox argagixiso ah”.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay ka soo horjeeddo go’aanka uu Ruushku ku goostay afar gobol oo ka tirsan Ukraine, waxayna intaasi ku dartay in go'aankan uu “xadgudub halis ah” ku yahay sharciga caalamiga ah.
Warbaahinta dowladda Suuria ayaa Sabtida maanTa ah sheegay in la helay meydadka 89 qof oo muhaajiriin ka timid Lubnaan ah kuwaasi oo doontii ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha dalka Suuriya. Madaxa UNHCR Filippo Grandi ayaa dhacdadan ku tilmaamay “masiibo qalbi jab ah”.
Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang oo ah hoggaamiyaha ugu xukunka dheer dunida ayaa mar kale xilka u tartamaya doorashada la qabanayo bisha November, sida uu xisbigiisu ku dhawaaqay Jimcihii, waxayna taasi u badan tahay in ay sii kordhiso muddo 43 sana ah oo uu dalkan hoggaaminayay...
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Sabtidii ku eedeeyay dalka Giriig in uu qabsaday jasiirado ku yaal badda Aegean kuwaasi oo ka caagan militariga, waxaana uu sheegay in Turkigu uu diyaar u yahay in uu sameeyo “waxa lagama maarmaanka ah” marka uu waqtigaasi yimaado
Xubno ka tirsan maleeshiyaadka qowmiyadda labaad ee ugu weyn Itoobiya ayaa dilay tobanaan qof waxayna gubeen oo ay xattooyo ka gaysteen guryo ku yaalla magaalo ka tirsan gobolka Oromiya sida ay dad weerarka ka badbaaday u sheegeen wakaaladda wararka AFP.
Kuwo kale