Madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris ayaa is-bartay shacabka Mareykanka, iyo sida ay uga duwan tahay musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ka dib khudbad ay ku aqbashay magacaabista ay ergada xisbigu u doorteen in ay noqoto musharaxnimada xisbiga Dimuqraadiga ee 2024-ka.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Baarlamanka in qodobada doodaha soo socda ee baarlamanka lagu daro cabashooyinka ka imaanaya canshuuraha cusub ee ay dowladu soo rogtey. Baarklamanka ayaa arrinkan maanta kaga dooday kulan ay yeesheen.
Markanna dhageystayaal waxa aad ku soo dhowaataan Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka waxa uu ku saabsan yahay ciidamada ka socda Masar ee ka mid noqonaya howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Barnaamijka ayaa waxaana marti ku ah Danjire Cali Cabdi Awaare
Barnaamijka waxa uu ku saabsan yahay xeerarka doorashada iyo axsaabta ee ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya, waxaana marti ku ah Xuseen Shiikh Maxamuud oo ah la-taliyaha arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya.
Barnaamijka waxa uu ku saabsan yahay ahmiyadda heshiiska difaaca ee Jabuuti iyo Faransiiska, waxaana marti ku ah Aadan Cumar Cabdillaahi oo ah Agaasimaha Machadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda ee Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Jabuuti.
Markanna dhageystayaal waxa aad ku soo dhowaataan Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka oo uu marti ku tahay Axmed Maxamuud Cumar oo ah Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC) oo ka hadlaya sidii ay u dhacday doorashadii goleyaasha deegaanka
Markanna dhageystayaal waxa aad ku soo dhowaataan Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka oo uu marti ku tahay Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga oo ka hadlaya hubkii dhowaan lagu qabtay waqooyiga gobolka Galgaduud.
In ka badan hal milyan oo qof oo Muslimiin ka kala timid caalamka ayaa maanta taagnaa Buurta carafe, iyadoo ay tahay maalinta ugu muhiimsan ee Xajka. Kumannaan Soomaali ah oo ka kala tagay Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Itoobiya, iyo meelo kale ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Bashiir Midnimo
Markanna dhageystayaal waxa aad ku soo dhowaataan Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka oo uu marti ku yahay Mahad Waasuge oo ah Agaasimaha hay'adda Somali Public Agenda ee xarunteedu tahay Muqdisho ayaa waxaa soo jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan
Ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan ayaa gacanta ku dhigay markab xamuul ah oo xiriir la leh Israa’iil kaasi oo Sabtida maanta ah marayey marin biyoodka Hormuz, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Iiraan,
Erdogan, oo ah siyaasiga casrigan ugu guulaha badan Turkiga, ayaa dalkaasi hogaaminayay in ka badan labaatan sano. Waxa uu ku guuleystay in ka badan 12 doorasho tan iyo 2002-dii, iyadoo Erdogan mar kale madaxweyne loogu doortay shan sano oo cusub doorasho la qabtay bishii May ee 2023-kii.
Mareykanka ayaa bilaabay in uu duqeymo cirka ah ka fuliyo Bariga Dhexe, kuwaasi oo uu kaga aar-goosanayo weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee diyaaradaha aan duuliyuhu la socon ay Axaddii ku qaadeen saldhig ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Urdun.
Ilaa 160 qof oo sanadkii hore xadka bari ee dalka Finland iska dhiibay, magangalyana codsaday ayaa tan iyo markaasi laga waayay xarumaha lagu hayo muhaajiriinta xilli ay sii badanayaan dadka magangalyo doonka ah ee Finland ka soo galaya dhinaca Ruushka, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Finland.
Taliska Dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in laba askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykan ah lagu la’yahay badda Soomaaliya, iyadoo la waayay xilli ay ku jireen howlgal ka socday badda.
Madaxa arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa sheegay in saddex bilood oo Israel ay weerar ku wadday Marinka Gaza uu dhulkaasi ka dhigay meel aan la degaan ah, iyadoo uu shaqaalaha gargaarka ka dhigay in ay qabtaan “howlgal aan macquul aheyn”
Booliska iyo kalluumaysatada Indonesia ayaa maanta sheegay in ay bilaabeen in ay gaaf-wareegaan qaybo ka mid ah gobolka ugu galbeedsan dalkaasi si ay uga hortagaan qaxootiga Rohingya in ay ka soo degaan xeebahooda,
Kenya ayaa xoojinaysa tillaabooyin ay kaga hortagayso daadka sababay dhimashada 70 qof, iyo barakaca tobanaan kun oo qof oo guryahooda ka barakacay, sida uu maanta oo Sabti ah sheegay madaxweyne William Ruto oo musiibada daadka ku tilmaamay “xaalad degdeg ah”.
Armenia iyo Azerbaijan ayaa awooday in ay ka heshiiyaan mabaadi’da aas-aasiga u ah heshiis nabadeed oo labada dal u dhexeeya, sida uu Sabtida maanta ah sheegay Ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan. Warkan ayay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay Wakaaladda wararka ee Ruushka TASS.
Sacuudi Carabiya ayaa Sabtida maanta ah martigelineysa hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Muslimiinta oo shir aan caadi ahayn oo wadajir ah uu uga furmay magaalada Riyadh, iyadoo Boqortooyada Sacuudiga ay awooddeeda isugu gaysay si ay Mareykanka iyo Israa'iil ugu cadaadiso in la joojiyo colaadda Gaza.
Kuwo kale