Dab ballaaran oo ku faafay xaafado ka tirsan Los Angeles, kaas oo barakiciyay kumannaan qof, ayaa ilaa hadda galaaftay nolosha ugu yaraan 10 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, ayada oo Ciidamada Ilaalada Qaranka ee California loo diyaariyay inay gacan ka gaystaan ka hor-tagista nidaam darrida.