Madaxweynaha Turkiye Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in uu amri doono faragelin si looga hortago in Suuriya ay kala qeybsanto, digniintan oo si gaar ah ugu socota ciidamada Kurdiyiinta ee dalkaas.
Daad-gureyn ayaa ka socotay dalka Itoobiya Sabtidii kadib markii ay dhaceen dhul-gariiro dhowr ah, oo kii ugu xoogganaa uu cabbirkiisu ahaa 5.8, kaasi oo ku dhuftay waqooyiga fog ee dalkan ku yaalla Geeska Afrika.
FBI-da ayaa in ka badan 150 bam oo guri ku sameys ah ka heshay beer ku taal Virginia, taasi oo loo malaynayo inay tahay qabashadii ugu waynayd taariikhda oo ay hay’addu sameyso, sida ku cad dukumentiyo maxkamadeed oo la diiwaan-geliyey toddobaadkan.
Koox kormeerta xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in tan iyo Axaddii 31 dagaal-yahan lagu dilay dagaal u dhaxeeya kooxaha ay taageerto Turkey iyo xoogagga ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta.
Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa Jimcaha maanta sheegay inay gantaal ku weerareen garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Israa'iil, ka dib markii milatariga Israa'iil ay sheegeen in gantaal dhexda laga qabtay.
Nin lagu tuhmayo in uu gaari ku jiiray dad isugu soo baxay suuqa Christmas oo ku yaalla Jarmalka, halkaasi ay ku dhinteen shan qof, laguna dhaawacay tobaneeyo kale, ayaa wajahaya eedeymo badan oo ah dil iyo isku day dil, sida ay booliisku sheegeen Axadda maanta ah.
Afar qof ayaa ku dhintay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ku burburtay isbitaal ku yaalla Koonfur-galbeed ee Turkiga Axaddan, guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay, in shilku uu sababay ceeryaamo qaro weyn.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Jimcaha u safri doona dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula casheyn doono ciidamada Faransiiska ee ku sugan saldhigga muhiimka ah, ka hor inta aanu u gudbin Itoobiya, waxaa sidaas sheegtay madaxtooyada Faransiiska ee Elysée.
Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa booqan doona Turkiga Jimcaha si uu ugala hadlo arrimaha Suuriya, kadib markii xukunka laga tuuray Bashar al-Assad, waxaa sidaas Arbacada maanta ah sheegay ilo-wareedyo Turkish oo rasmi ah.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta oo Talaado ah hortagay maxkamad ku taalla magaalada Tel Aviv, si uu markii ugu horreysay uga marqaati furo kiiskiisa musuq-maasuqa.
Militariga Israa’iil ayaa Isniinta maanta ah sheegay in afar askari lagu dilay koonfurta Lubnaan, taasi oo ah dhimashadii ugu horreysay ee laga sheego aaggaas tan iyo markii ay billaabatay xabbad joojinta Xizbullah, ku dhowaad laba toddobaad ka hor.
Qatar ayaa dib u billowday doorkeeda dhex-dhexaadinta ee dadaalka lagu doonayo in xabad-joojin lagu dhex dhigo Israel iyo Xamaas ka dib markii muddo kooban ay hakisay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka ee AFP Khamiista maanta ah.
Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ku fulisay in ka badan 300 oo qof sanadkan 2024, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, ka dib markii afar daldalaad ah oo lagu dhawaaqay Talaadadii ay wadarta guud ee boqortooyada ay dishay ka dhigtay tii ugu badneyd ee sanad gudihiis dalkaasi laga fuliyo.
Mucaraadka ay hoggaaminayaan Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda Talaadadii ayaa ku sii siqaya magaalada Xamaa ee bartamaha Suuriya, sida ay sheegtay koox kormeerta dagaalka.
Dacwad oogayaasha Sweden ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in ay dacwad ku soo oogeen saddex qof oo la tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish, kuwaas oo oo lagu eedeeyey in ay maleegeen falal argagixisanimo oo ay ku jiraan kuwa ka dhan ah danaha Yahuudda.
Dibad-baxayaasha Pakistan ee dalbanaya in la sii daayo ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Imran Khan ayaa Talaadada maanta ah dilay afar ka mid ah ciidamada ammaanka, sida ay sheegtay dowladda, ayada oo dadkan isu soo baxay ay iska caabiyeen booliska oo ay xireen bartamaha caasimadd
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Khamiista maanta ah soo saartay amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant, iyo sidoo kale taliyaha milatariga Xamas Mohammed Deif.
Shirkadda Adani Group ee India ayaa Khamiista maanta ah “kuwa aan sal iyo raad toona lahayn” ku tilmaantay eedeymaha Mareykanka ee ah in maal-qabeenkooda aas-aasay Gautam Adani uu bixiyay in ka badan $250 milyan oo laaluush ah.
Mareykanka ayaa Isniintii uga digay dalalka caalamka in ay marti-geliyaan xubnaha Xamaas, ayada oo si gaar ah loo xusay Turkey kadib markii warbixino ay tilmaameen in laga yaabo in hoggaanka kooxda Falastiiniyiinta ay u guuraan halkaas.
Kuwo kale