Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad loo xiray weerarkii qunsuliyadda Ruushka ee Marseille


Qunsuliyadda Ruushka ee Marseille
Qunsuliyadda Ruushka ee Marseille

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa xabsiga dhigay laba qof kaddib markii bam-gacmeedyo lagu tuuray qunsuliyadda Ruushka ee magaalada koonfureed ee Marseille, sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha Talaadada maanta ah.

Weerarkan, oo dhacay Isniintii xilli la xusayay sannad-guuradii saddexaad ee duullaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine, ma uusan geysan wax khasaare ah.

Boolisku waxay sheegeen in saddex dhalo caag ah oo lagu shubay walxaha qarxa lagu tuuray beerta qunsuliyadda, hase yeeshee, labo kaliya ayaa qarxay.

Moscow ayaa weerarka ku tilmaantay "fal argagixiso", halka Paris ay cambaareysay "wax kasta oo wax u dhimaya amniga xarumaha diblomaasiyadeed".

Xafiiska dacwad-oogaha Marseille ayaa xaqiijiyay in dadka la xiray ay yihiin dad qaan gaar ah, balse faahfaahin dheeraad ah lama bixin.

Wargeyska maxalliga ah La Provence ayaa sheegay in dadka la tuhunsan yahay lagu aqoonsaday bannaanbax taageeraya Ukraine oo ka dhacay magaalada fiidkii Isniinta.

Dadka deegaanka oo ay la hadashay wakaaladda wararka AFP ma aysan maqlin wax qarax ah.

24-kii Febraayo 2022, hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray duullaan ka dhan ah Ukraine oo xulufo la ah reer Galbeedka, taasoo sababtay dagaalkii ugu weynaa ee Yurub ka dhaca tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Madal

XS
SM
MD
LG