Axmed Madoobe oo ka hadlay doorashadii Xasan Sheekh, gobolka Gedo iyo arrimo kale
Axmed Madoobe
Kismaayo —
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaalada gobolka Gedo oo ay isku hayeen dowladdii madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo sidoo kale ka hadlay sidii loo qaadi lahaa howlgalo ka dhan ah Alshabaab iyo arrima kale.