Ciyaaraha gobollada Puntland oo maanta lasoo gaba-gabeynayo

Qaar ka mid ah ciyaartooydi ka qeybgashay Tartanka ee sannadkaan.

Waxaa galabta lagu wadaa in magaalada Garowe lagu soo gaba gabeeyo tartan kubadda cagta ah oo maalmahan halkaasi uga socday kooxo matalayay gobollada Puntland.

Ciyaarata kama danbeysta ah ayaa waxaa isaga hor imaan doona Bari iyo Nugal. Sida tartankan uu ku billowday iyo heerarka uu soo maray, ayuu wariyaha VOA-da ee Bosaso, Yusuf Maxmuud Yusuf ka wareystay, Xoghayha Guud Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, Mustafe Cabdirixmaan Majacas.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciyaaraha gobollada Puntland oo maanta la soo gaba-gabeynayo