Gaari siday dad rakaab ah oo ka soo baxay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta lagu gubay meel ku dhowaad 4 kiilo mitir u jirta degmada qoryooley. Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Nuur Siidii ayaa sheegay in gaarigan oo siday rakaab gaaraya ilaa iyo 24 qof ay gubeen maleeshiyaad ka tirsan ururka al-Shabaab.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dhammaan rakaabkii saarnaa gaariga aanay dabkaasi waxba ka soo gaarin, hase ahaatee la la’yahay 4 ka mid ah rakaabkaasi oo ilaa hadda la baadigoobayo.
Wareysiga guddoomiyaha ee shilkan iyo waliba wafdi uu horkacayo wasiirka difaaca dowladda Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Marka ka dhageyso xagga hoose.