Xubin ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dawladda Maraykaanku ka faa’iidaysato fursadda ka Jirta Soomaaliya ayna degdeg wax ula qabato dawladda Soomaaliya.
Waraysiga uu siiyey idaacadda VOA ayuu sidoo kale kaga hadlay qorshe lagu mataaneeynayo magaalooyinka Muqdisho iyo Minneapolis iyo sharci-dejin uu ka shaqaynayo oo lagu khafiifinayo xayiraadaha bankiyada ee saaran ganacsiga xawaaladaha.
Waraysiga oo uu Haaruun Macruuf la yeeshay Keith Ellison waxaa si wadajir ah u soo jeedinaya Ibraahim Xasan Danadurey iyo Cabdulaahi Nuur Maxamed Kolombo.