Guddiga xuquuqda aadanaha ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka horyimid xukunka xabsiga ah ee maxkamadda G/Benaadir ay ku ridday gabadha sheegtay in la kufsaday iyo weriyaha, wuxuuna guddi ku baaqay in si deg-deg ah loo sii daayo.
Guddigan ayaa dalbaday in raali galin la siiyo gabadha iyo weriyaha, sidoo kalena la magacaabo guddi kiiskan si dhab ah u baara.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo Guddigan Madax ka ah ayaa VOAda uga warantay Tala soo jeedintooda, iyo go'aanka ay arintan ka qaateen.